Wednesday, July 9, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee laga helay..

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay Koonfurta magaalada.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay ooto Bajaaj ku socotay meel u dhow Hotel lagu magacaabo Embassy oo ku yaalla bartamaha koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ku dhintay saddex qof oo mootada la socotay.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa Mootada oo la sheegay inuu ahaa qof is-miidaamiye ah oo Mootada saarnaa kuna socday goob loogu talogalay, balse ay ku qaraxday, isagoo aan gaarin goobtii, halka warar kale sheegayaan inuu qarax Mootada ku xirnaa.

Saddexda qof ee Qaraxa ku dhitay ayey Boolisku sheegeen inay ka tirsanaayeen Alshabaab, iyagii qaraxa maleegayna uu ku qarxay, kuna dhinteen, iyadoo aanu jirin qasaare kale oo ka dhashay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sadaxda nin oo mid kamid ah qaraxu ku xirnaa uu iyagu qaraxa ku dhinteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON