Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababarran ee loo yaqaan Haramcad.
Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu qarxiyey duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Ceelashad Biyaha xilli ay howlgal kusii jeedeen, waxaana gaari ay la socdeen ku qaraxday miino xoog leh, taasoo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen askar dhowr ah.
Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhiyey qaraxyada Miinooyinka dhulka oo galaaftay saraakiil iyo ciidamo fara badan oo ka tirsan askarta kala duwan ee ciidamada dowladda. Dhowaan ayey ahayd markii aaggan lagu qarxiyey ciidamada DANAB, iyadoo lagu diley 3 ilaa 6 askari, markii ay laba miino ku qaraxday laba miino kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada Danab.