Wararka laga helayo degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax Miino ka dhacay, kaasoo lala beegsaday Mas’uul ka tirsan maamulka degmada.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka ee soo-boodada ah ayaa lala beegsaday Xoghayaha Degmada Kaxda Ibraahim Muxiyadiin Macow, isagoo xilligaasi marayay agagaarka isbitaalka Mercy.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa lala beegsaday ka badbaaday Xoghayaha degmada Kaxda.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay Xoghayaha Maamulka degmada Kaxda, wuxuuna ka mid ahaa falalka ay Muqdisho ka fuliso ee khaarijinta ah.
