Friday, July 4, 2025

Qaraxyo Caawa laga maqlay magaalada Muqdisho iyo Qasaaraha Weerarkii Xero Nacnac

Jugta qaraxyo dhowr ah ayaa caawa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo waqtiyo isku dhow dhacay. isla markaana dhaliyay xaalad cabsi ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada magaalada ka dhacay ay ahaayeen kuwo macmal ah oo la dhigay degmooyin iyo xaafado kala duwan, isla markaana aysan wax qasaare ah geystay, sida laga soo xigtay saraakiisha Amniga.

Dhinaca kale waxaa sii kordhay Qarixii is-miidaaminta ee Al-Shabaab ka fulisay xerada Jeneraal dhega Badan ee loo yaqaan Warshaddii NacNaca, halkaas oo dhalinyaro loo qori lahaa skar lagu laayey.

Ugu yaraan 10 dhalinyaro ah oo loo qoraayay ciidamada ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay ilaa 15 kale. Is-miidaamiyaha qaraxa isku soo xiray ayaa iska soo dhigay qof doonaya inu ciidamada loo qoro.

Al Shabaab ayaa sheegatay inay weerar ka fulisay Xero NacNac, laguna qaaday weerar is-miidaamin ah saldhigga lagu tababarroy ciidama dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON