Sunday, July 13, 2025

Qodob ay la timid Somaliland oo hortaagan Xabad joojin laga gaaro colaadda ka socota Tukaraq [Akhriso]

Waawnaan iyo dadaallo nabadeed oo ay wadeen wakiilada Beesha caalamka si xabad joojin looga gaaro dagaalka dhiigga badan ku daatay ee ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa fashilmay kadib markii maamulka Somaliland uu qodob caqabd ah ku xiray heshiiska.

Wakiilka Q/Midoobay iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo isaga dab qaaday madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, isla markaana xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuleysan waayay xabad joojin labada dhinac la dhex dhigay 23-ka Bishan May.

Somaliland ayaa ku adkeysaneysa inay la hadasho maamulka Puntland iyadoo ku doodeysa in dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya, waxayna meesha ka saartay inay  colaada Tukaraq waanwaan kala gasho maamulka Puntland, iyadoo uu fashilmay dadaal beesha caalamka ku dooneysay inay xiriir khadka telefoonka ah ku wadahadalsiiso madaxweynayaasha Muuse Biixi Cabdi iyo c/weli Gaas.

Waxaa weli socda dadaalka ay wado beesha caalamka oo dhowaan soo saartay baaq ku wajahan labada maamul inay xabadda joojiyaan, iyadoo maamulka Somaliland lagu cadaadinayo inuu xaqiiqada u soo laabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON