Monday, June 23, 2025

Qodobkii ugu adkaa ee Doorashada oo haray iyo Madaxweyne Farmaajo oo isu diyaarinaya inuu ka dhoofo…

Wararka laga helayo magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in maalintii koowaad ee shirka horumar laga gaaray qaar ka mida qodobbadii la isku mari waayey ee Doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xaqiijiyey in arrinta Somaliland is-faham laga gaaray. “Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Soomaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray Waxna wayn ka dhiman yihiin.. Arrinta Soomaaliland meel fiican ayey mareysaaoo is-fahan u dhowdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen ra’iis’ul wasaare ku xigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sarana-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan” ayaa laga soo xigtay Cali Daahir Ciid.

Dhinaca kale qodobka ugu adag ee shirka oo ah arrintan Gobolka Gedo ayaa maanta la gudaha gelayaa, iyadoo ay miiska saaran yihiin soo jeedin kala duwan, sida in xildhibaanno la is weydaarsado oo dhinaca Madaxweyne Farmaajoay wataan ama in hal magaalada Kismaayo lagu soo koobo Doorashada oo dhinaca Axmed Madoobe ay daneynayaan.

Waxaa rajo laga qabaa in maanta xal laga gaaro qodobadda harsan si gelinka dambe shirku usoo xirmo, iyadoo tanaasul laga sugayo Madaxweyne Farmaajo oo ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee muddo xileedkiisa sharciga ahaa oo ku eg Isniinta soo socota ee 8-da Febraayo 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu maanta ka dhoofo magaalada Dhuusamareeb, kuna laabto Muqdisho, si uu isugu diyaariyo kulanka uu isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana cadaadis ku haya beesha Caalamka oo dooneysa inaan lagu kala tegin shirka, iyadoo aan heshiis kama dambeys ah laga gaarin arrimaha hortaagan Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON