Wednesday, June 25, 2025

Qoraal mamnuucaya in laaluush loo adeegsado Doorashada oo laga saxiixayo Musharixiinta (Akhriso)

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa soo saaray Warqad laga saxiixayo Musharixiinta u taagan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay inta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada in murashax kasta oo u tartamaya kursiga Baarlamaanka Aqalka Sare ay tahay inuu ilaaliyo, dhowrana dhammaaan heshiisyada, habraacyada, xeerarka iyo shuruucda doorashada 2020/2021, si loo helo jawi fududaynaya in ay u qabsoomaan doorashooyinka 2020/2021 si xor ah oo xalaal ah oo caddaalad ku salaysan.

Dhammaan murashaxiintu waa inay u hogaansamaan qodobada hoos ku xusan iyagoo adeegsanaya niyad-wanaag.

1- Waxaan u hogaansamayaa Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan heshiisyada, xeerarka, habraacyada loo dejiyay qabashada geedi-socodka doorashada 2020/2021, waxaana si buuxda ugu hogaansamayaa una fulinayaa dhammaan habraacydaas iyo xeerarkaas.

2- Waxaan qof kasta ula dhaqmayaa si ixtiraam iyo qadarin ku dheehan tahay oo aan lahayn kala faquuq, anigoon u eegeynin jinsiga, da’da, naafanimada, asalka bulsho ama xaaladda shakhsi.

3- Waxaan ka fogaanayaa inaan culays saaro xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ee codeynaya, wakiillada guddiyada doorashada, hawl-wadeenada, murashaxiinta kale, warbaahinta iyo goob-joogayaasha kale.

4- Waxaan ilaalinayaa xeerarka iyo shuruucda ay soo saaraan hay’adaha hirgelinaya doorshada, oo uu ka mid yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

5 – Waxaan ka fogaanayaa inaan qayb ka noqdo dhaqan kasta oo keeni kara cabsi-gelin, cadaadis ama musuqmaasuq inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2020/2021, waxaana gacan ka geysan doonaa sidii looga hortagi lahaa ama loo joojin lahaa dhaqamada noocaas ah.

6- Waxaan ka fogaanayaa in aan ku lug yeesho laaluush ama iibsasho cod.

7- Waxaan ixtiraamayaa in dhammaan kormeerayaasha la aqoonsanyahay, warbaahinta/xubnaha saxaafadda iyo weliba wakiilada murashaxiinta ay si xor ah ku gaaraan lana socdaan/kormeeraan geedi- socodka, sida ku cad shuruucda, tilmaamaha iyo habraacyada.

8- Waxaan ixtiraamayaa qarsoodinimada cod-bixinta iyo dhex-dhexaadnimada hanaanka cod-bixinta iyo cod- tirinta. Waana fahamsanahay in wakiiladayda ay xaq u leeyihiin la socodka nidaamka, si waafaqsan habraacyada doorashada 2020/2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON