Monday, June 23, 2025

Qorshe uu Madaxweyne Trump ku doonayey inuu ku eryo Madaxa Guddi Baaris ku haya oo la ogaaday

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amray in shaqada laga eryo dacwad oogaha gaarka ah ee Robert Mueller bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay.

Go’aanka Trump ayaa la sheegay inuu dib uga laabtay kadib markii uu garyaqaankiisa ku hanjabay in uu shaqada isaga tagi doono sida ay qortay jariirada caanka ah ee NewYork Times.

Sharci yaqaanka Aqalka Cad Donald McGahn ayaa sheegay in ceyrinta Mueller ay yeelan doonto saamayn balaaran oo aanan laga kabsan karin. Mr Mueller ayaa hormuud ka ah baaritaanka fadeexadda farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka.

Muller ayaa hore agaasime uga ahaan jirey hay’adda sirdoonka ee FBI, waxaana la magacaabay bishii May ee 2017 si uu u baaro sheegashooyin la xiriira wadashaqayn dhexmartay Trump iyo Ruushka.

Marka uu warkan soo baxayo, Trump waxa uu ku suganyahay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka dhaqaalaha adduunka.

Don McGahn garyaqaanka Aqalka Cad
Don McGahn garyaqaanka Aqalka Cad

Mr. Mauller ayaa bilihii dhawaa maqlay in xilka laga eryi rabay, kadib waraysiyo uu la yeeshay saraakiil hore iyo kuwa hadda ah oo Aqalka Cad ka tirsan arrimo la xiriira baaritaankiisa.

Markii uu ninkan dardar galiyay baaritaankiisa, Trump ayaa ku eedeeyay seddex arrimood uu ku eryi karo, waxaana ka mid ah in Mueller uu joojiyay xubinimadiisii Naadiga Golf-ka ee Trump sanadkii 2011-kii kadib muran xagga lacagta ah, iyo Mueller oo ka shaqeeyay shirkad garyaqaano oo mar matashay wiilka uu sodoga u yahay madaxweynaha Jared Kushner, iyo arrinta saddexaad oo ah in Mauller uu imtixaam u galay shaqada FBI-da maalin ka hor intii aanan loo magacaabay dacwad oogaha gaarka ah.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin sheegashooyinkan cusub ee soo baxay, kuwaas oo soo socday illaa bishii December, laguna sheegayay in Trump uu damacsanyahay in uu eryo Maeller.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo dimoqoraadi ah oo lagu magacaabo Mark Warner ayaa ka digay in uu madaxweynaha eryo ninkan, wuxuuna sheegay in haddii uu taasi sameeyo ay ka dhigantahay in Trump uu talaabay khadka guduudan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON