Dableyda Alshabaab ee fulisay weeraradii is-midaaminta ahaa ee ugu danbeeyay ayaa la sheegay inay yihiin xubno Ajnabi ah oo Alsahbaab ka tirsan.
Warar laga helay ilo ka tirsan hay’addaha ammaanka ayaa sheegaya in dabeyda fulisay Weerarkii dhowaan ka dhacay Banadir Beach Restautant iyo Xaruntii Dayax ee Magaalada Gaalkacyo ay ahaayeen rag kasoo jeeda dalka Kenya.
Nin is-miidaamiye ah ayaa la qabtay oo ahaa qofkii watay gaarigii lagu qariyay Baarka Banaadir ee xeebta Liido. Dhowaan ayuu sheegay wasiiru dowlaha Jubaland in raggii geytay weerarkii Hotelka Naasa-hablood ay ahaayeen Kenyaati.
Waxaa sii kordhaya Kenyaatiga ka mida Alshabaab ee fulinaya weerarada qasaaraha badan ka geysta gudaha Soomaaliya, taasoo ah arrin ku cusub kooxda Alshabaab inay ajnabi u adeegsato howlgallada gudaha ee is qarxinta ah.
Goobjooge.com