Saturday, June 28, 2025

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo kashifay Qorshe Ciidamo damacsanaa inay dilaan

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kashifay ujeedka ciidamo dhowaan galay Xarunta uu xafiiskiisa ku yaallo ee magaalada Adis ababa, iyagoo gadoodasan, wuxuuna caddeeyay inay rabeen inay isaga dilaan ama khaarijiyaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayey fadhiga baarlamaanka Itoobiya ayuu sheegay in ciidamadaasi lagu soo shubay qorshe looga horjeedo isbedellada uu wado, lana doonayey in lagu maja xaabiyo, taasoo uu ka hortegay, isla markaana si xikmad leh uu arrinta u qaboojiyey, isagoo markii danbe ciidammada faray inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynaya.

Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayey, arrintuna ay faraha ka bixi lahayd haddii ciidamadaasi laga hor geeyo ciidamo kale oo iska hor imaad dhaco.

“Xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud” ayuu Abiy Ahmed u sheegay Baarlamaanka Itoobiya oo maanta  ansixiyey golaha wasiirada cusub ee Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON