Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea oo Muqdisho ku soo jeeda & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la sheegay inay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda  si ay uga qeyb galaan shirka saddexaad ee isbaheysiga saddex geesood ah (Itoobiya-Somalia- Eritrea).

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la adkeeyay amniga magaalada Muqdisho iyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la joojiyey dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka ee xubnaha degan madaxtooyada iyadoo shirka saddexda hoggaamiye uu noqonayo kii saddexaad kadib heshiiskii ay ku gaareen magaalada Asmara.

Shirka madaxda saddexda dal ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu wajaho mooshin laga keenay xil ka qaadistiisa, iyadoo arrimaha lagu heysto ay ka mid tahay heshiiska uu la galay dalalkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON