Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [Daawo Sawirro]

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xafiiskiisa magaalada Addis ababa kula kulmay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta socdaal uga bilowday Itoobiya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Ahmed ay ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, sida uu yiri iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi siiba dhinacyada Ganacsiga iyo amniga.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya qoral laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somailand iyo wafdigiisa oo labada dhinac ay ka wadahadleen arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac ka dhaxeeya

Somaliland ayaa shegetay in Madaxweyne Muuse Biixi uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha magaalad Addis ababa ku soo dhoweeyay wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON