Monday, July 14, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ku guuleystay inuu Xabsiyada Sacuudiga kasii daayo Maxaabiis Itoobiyaan ah

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku guuleystay inuu xabsiyada Sacuudiga ka sii daayo ilaa 1000 qof oo maxaabiis Itoobiyaan ah oo denbiyo kala duwan ugu jiray xabsiga dalkaasi.

Kadib booqasho rasmi ah oo oo uu ku tegay Boqortooyada Sacuudiga ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka codsaday Boqorka Sacuudiga in la sii daayo maxaabiista Itoobiyaanka ee ku jira Xabsiyada Sacuudiga.

Abiy Ahmed ayaa ka sheegay Garoonka diyaaradaha Addis Ababain Diyaaradda ay la saaran yihiin qaar ka mid  ahaa Maxaabiista u dhalatay Itoobiya oo ku xirnaa xabsiyada Sucuudiga.

Waxaa uu Abiye Axmed sheegay in uu la kulmay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan islamarkaana uu heshiis la gaaray kaas oo qeexaya sii deynta muwaaddiniinta Itoobiyaanka ah ee ku jira Xabsiyada Sacuudiga.

Dadka la filaayo in dhawaan la siidaayo waxaa ka mid ah Maalqabeenka heysta dhalashada Sucuudiga iyo Itoobiya ee lagu magacaabo Maxamed Xuseen Al Camuudi.

Al Camuudi, waxaa uu gudaha Itoobiya ku leeyahay Ganacsiyo waaweyn, waxaana u shaqeeya shaqaale ka badan 70,000 oo Qof. Ra’isalwasaare Abiye ayaa sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xorriyaddiisa ku helo maalqabeenka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON