Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in amniga magaalada si weyn loo xoojiyey, kadib markii uu gaaray Ra’iisal wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan degdeg isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamad Amniga ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana looga hadlay xaaladda magaalada iyo is-rasaaseyn ka dhacday xalay oo keenay xaalad cakiran markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu suna.
Guddi gaara ayuu magacaabay Ra’iisal wasaarah, kaasoo baaritaan ku sameyn doona sida ay ky dhacday shaqaaqaadii xalay oo Ahlu suna ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay weerar ku soo qaadeen xarunta madaxdooda degan yihiin ee INJ, waxaana iska hor imaadka ku dhaawacmay saddex askari.
Qorshaha Ra’iisal wasaaraha ayaa ku saabsan dardar la geliyo dhameystirka dhismaha maamulka Galmudug, iyadoo hadda lagu jiro soo xulintaanka xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Baarlamaanka Galmudug.