Saturday, August 9, 2025

Ra’iisal Wasaaraha & Wasiirka Amniga oo kormeero habeen oo kedia ah ku bilaabay degmooyinka & Ciidamada Amniga [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa  kormeero habeenimo ku wada ciidaa dhowaan loo sameeyay sugidda ammaanka Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa xalay kormeer ku maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir. Waxaa kormeerka ku wehliyay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxayna la kulmeen ciidamada iyo taliyeyaasha.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ku sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu koor-galayay amniga Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa shegay in kormeerkoodu ahaa u kuur gelidda xaaladda Nabadgalyada magaalada muqdisho, iyagoo ka bilaabay Madaxtooyo ilaa degmada Deyniile iyo Koontaroolka Km13, waxyana sidoo kale gaareen degaanka Jasiira iyo Kaxda.

Kormeerka ayaa gaaray Saddexdii Habeennimo oo Salaadda Subax ay soo dhoweyd, waana markii labaad ee kormeer noocan oo kale ah ay sameeyaan. Waxaa kormeerada loogu talogalay sida la sheegay in lagu hubiyo wada shaqeynta maamullada degmooyinka iyo ciidamada amniga.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON