Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaal u galay inuu xiiriro la sameeyo Mushariixiinta Mucaaradka si waanwaan looga galo xiisadda u dhaxeysa dowladda iyo Musharixiinta Mucaaradka.
Ergo ay ka mid yihiin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo odayaal ayaa isaga dab qaadayey labada dhinac, laakiin dadaalkaasi ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen caqabado waaweyn.
Waanwaantii hore ayaa ku saleysneyd inay xukuumadda xilka sii heysa raaligelin ka bixiso wixii ka dhacay 19-ka Febraayo, kadibna laga wadahadlo sidii xaaladda loo qaboojin lahaa, laakiin arrintaasi waxay ku adkaatay dhinaca madaxtooyada, waxaana dadaalkii ugu danbeeyay kusoo koobmay in la joojiyo bannaanbaxa labaad ee ay ku dhawaaqeen Musharixiinta inuu dhacayo Jimacaha 26-ka Febraayo.
Musharixiinta ah ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa ku adkeysanaya inuu dhacayo bannaanbaxa ay dhinaca kale mamnuucay xukuumadda xilka sii heysa.
Waxaa arrinta uga sii daray iyadoo aanay xiriir lahayn madaxda dowladda iyo Musharixiinta Mucaaradka, isla markaana dadka u kala dab qaadaya aysan lahayn saameyn badan.
