Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray wareegto laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda xilalkii loogu kala wareejiyay.
Warkan oo warbaahinta dowladda uu ka akhriyey Wasiirka Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Wasiirkii Gaadiiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar xilkii laga qaaday, iyadoo loo magacaabay wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax ayaa laga qaaday xilkaasi, iyadoo loo wareejiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, waxaana wareegtada lagu sheegay in talo soo jeedin ka timid Farmaajo uu tixgeliyey Ra’iisal Wasaaraha markii uu tallaabadan ku dhaqaaqay.
Wasiir Oomar ayaa muddo dheer ahaa wasiirka Gaadiiidka iyo Duulista Hawada, isagoo ka mida saaxiibada ugu dhow madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Lama shaacin baahida xilligan keentay in laba wasiir loo kala wareejiyo wasaaradaha, waxaana lagu soo beegay xilli kala guur ah oo xukuumadda xilgaarsiinta laga rabay inaysan sameyn magacaabis ama kala bedel.