Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku saabsan maamul u sameynta Galmudug.
Xasan Cali Kheyre aya sheegay in heshiiska uu ku yimid wadahadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.
Ra’iisul Wasaaraha waxa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega shacabka reer Galmudug. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.
Wuxuu kaloo uga mahad celiyay Ahlu suna dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan iyo cidwalba oo Soomaaliyeed oo gacan ka gaysatay heshiiskan, wuxuuna sheegay iyo xubnaha beesha caalamka ay mar walba garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.