Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed ayaa farriimo hambalyo ah u diray maamulka Puntland oo maanta u dabaaldegaya aasaaska maamulkaasi ee 1-da Ogost.
,Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.
“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa farriintiisa ku yiri: ” Hambalyo dhammaan madaxda iyo shacabka Puntland, waxaan idinla qaybsanayaa farxadda munaasabadda xuska sannad guurada 21-aad ee aasaaska dowlad gobaleedka Puntland”.