Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Amar siiyay ciidamo loo diyaariyay Ammaanka Muqdisho [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaXasan Cali Kheyre ayaa amar siiyay ciidamo ka tirsan nabadsugudda NISA oo howlgal ammaanka lagu sugayo ka bilaabaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA  C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) aya dardaaran u jeediyay ciidamadan oo ku hiray xaruntii hore ee Xisbiga.

Wuxuu u sheegay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo amar ku siiyay inay gacan buuxda ku qabtaan cid waliba oo dhibaato ku noqota ammaanka caasimadda.

“Maanta ma jirto maalin ay Soomaaliya idinkaga baahi badan tahay, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” ayuu ciidamadan kula dardaarmay Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON