Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu aqbalay codsi uga yimid Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ku saabsan xafladda xuska sanadguurada 20aad ee dhismaha Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa inay sii joogaan magaalada Garowe si ay uga qeyb galaan munaasabadda xuska Puntland, taasoo uu aqbalay Ra’iisal wasaaraha oo markii hore ay u qorsheysneyd in isaga iyo wafdigiisa ay maalinta Berrito dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.
Xalfadda 1-da August ee asaaska Puntland ayaa dib ugu dhacday 3-da bisha kadib is maandhaaf ka dhex dhacay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Gaas, waxaana markii khilaafkaasi la xaliyey uu sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle in marti soor “Gobeed” loo sameyn doono wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre.