Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay Go’aanka xukuumadiisa ka gaartay Musuqmaasuqa Dalka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay arrimaha musuqa iyo heerka ay xukuumadiisa ka taagan tahay.

Isagoo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuqmaasuqa ayuu  yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa..”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah.

Wuxuu intaas ku daray in billaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta.

“Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa,  Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa” ayuuna yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON