Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Maamulka Dowlada Banaadir.
Ra’iisal wasaaraha ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir iyo ku xigeenadiisa, waxaana xarunta ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow).
Kheyre ayaa warbixin kooban ka dhageystay Duqa magaalada Muqdisho oo ku saabsan howsha Gobolka Banaadir iyo sida ay ula qabsadeen xilalka cusub ee loo magacaabay, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre uu maamulka cusub ku leeyahay laba xubnood oo uu isagu soo qortay.