Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia xasan Cali Kheyre uu maalinta Berri ah tegu doono magaaladaasi.
Wafdigan oo bishii hore baaqday ayaa ujeedkoodu yahay dhammeystirka heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Federaalka, kaasoo uu kasoo shaqeeyay agaasime ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin, kaasoo intiisa badan ka dhacay magaalada Nairobi.
Wafdi hordhac u ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa manta tegaya magaalada Kismaayo, waxaana magaalada ka socda qabanqaabada soo-dhoweynta wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre.
HOOS KA AKHRISO HESHIISKA QARSOODIGA AH