Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka kulan isugu yeeray xubnaha Golaha wasiirada Soomaaliya.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo hore u baaqday shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo Khamiistii hore loo baajiyay olole nadaafadeed oo Muqdisho laga furay oo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada.
Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka maanta Ra’iisal wasaaraha isugu yeeray Golaha wasiirada uu ku saabsan yahay qorshe Golaha wasiirada u diyaarinayaan Baarlamaanka.
Mooshinkii heshiiska saldhigga Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka ayaa hadda horyaalla madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana xukuumadda laga sugayaa jawaab adag.
Goobjooge