Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan gaara maanta la yeeshay Hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulankan oo yimid kadib xiisad labada dhinac u dhaxeysay ayaa ahaa mid gaara oo aan saxaafadda loo ogolaan, waxayna sheegeen xubno ku dhow Ahlu suna in looga hadlay doorka Ahlu suna ku yeelaneyso shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo xalinta tabashada Ahlu suna ee ku saabsan ciidamada la geeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Labada dhinac ayaa si weyn ugu kala booday geedi socodka Galmudug, iyadoo dhowr jeer ay shaacisay Ahlu suna inuu burburay heshiiskii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka, balse markii danbe la gaaray xal KMG ah oo weli qabyo ah.