Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda sare ee maamulkiisa.
Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay shirkoodii ugu horeeyay ku yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib qorshe uu soo jeediyay Axmed Madoobe oo ku saabsan inay maamulada dalka marba meel tagaan.
Golaha wasiirada Soomaaliya oo tiradoodu ay gaareyo 70 ayaa waxaa diyaaradaha rakaabka ay u daabuleen Kismaayo, waxaana wehliya shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
SAWIRRO