Monday, July 14, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo magacaabay 3 Wasiir oo Cusub [Xildhibaan kale oo ku biiray xukuumadda]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay saddex wasiir oo cusub, kuwasoo la buuxiyey xilalkooda kadib markii ay banneeyeen.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay Wasiirka Dastuurka inuu noqdo Saalax Axmed Jaamac oo hore u ahaa wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha xukuuamdda Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageersan xukuumadda Soomaaliya, haddana lagu buuxiyey booskii uu banneeyay Wasiirkii hore ee Dastuuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca Xildhibaan Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa hore u bannaana kadib markii uu iska casilay C/casiis Lafta Gareen oo hadda ah Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Laba xil ayaa ka banaannaa Golaha wasiirada oo midkood aanu ka tirsaneyn xildhibaannada Baarlamaanka, laakiin waxaa hadda ku soo biiray xildhibaan kale, taasoo sii kordhineya tirada wasiirada xildhibannada ah oo markii hore ahaa 48.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON