Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu socdaal ku maray degaanada Maamulka Puntland oo muddo toddobaad ah uu ku sugnaa.
Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdeen qaar ka mida wasiiradiisa ayaa soo dhameystay socdaalkii shaqo ee degaanada Puntland, waxaanaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka mida golaha wasiirada. xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Imaanshaha Muqdisho ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisad ka taagan tahay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo xarunteeda maanta ay ciidamo wata amar maxkamadeed lagu soo xirayo Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya isku dayeen inay xiraan wasiirka, taasoo markii dambe uu soo farageliyay Ra’iisal wasaaraha sidaasina lagu xaliyey.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda ayaa la sheegay in loo heysto arrimo musuq, isla markaana xeer ilaalinta ay amartay in la soo qabtay iyadoo maxkamadna ay xalaaleysay xarigiisa.