Ra’iisal Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir isugu yeray Taliska Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga oo ay wehliso Wasaaradda Maaliyadda.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in shirkan looga hadlay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda Gobollada dalka qaarkood. Shirka waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiir ku xigeenka gaashaandhigga iyo xubno kale.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin kulankan, waxayna wararku sheegayaan in xooga lagu saaray dhammeystirka diiwaangelinta ciidamada milateriga oo la sheegay inay meel gabogabo ah mareyso.
