Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan sanadeed u qabtay xubnaha Golihiisa wasiirada, kasoo oo la sheegay in lagu dardar gelinayo qorshayaasha Qaranka.
Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa looga tashanayaa geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019. Waxaa maalinti koowaad dib loogu eegay qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.
Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019. Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan berri kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.