Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo War kasoo saaray Qarixii Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia ayaa ka hadlay qarixii is-miidaaminta ahaa ee saaka lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii naftooda ku waayay falkii argagixiso oo saakay ruux naftii halige ah uu ku qaaday xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye .

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON