Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa heysta muddo 72 saacadood ah oo kaliya si uu barnaamijkiisa siyaasadeed u geeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre ayaa laga sugayaa Barnaamijkiisa xukuumadda si xildhibaannada loogu qeybiyo, una akhristaan ugu danbeyn 31-ka bishan Maarso.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qoraalkii uu dhowaan u diray Ra’iisal wasaaraha ku xusuusiyay in qaraar ka soo baxay Golaha shacabka 1-dii Maarso oo ahayd maalintii la ansixiyay magacaabidd Ra’iisal wasaaraha lagu qeexay in uu 31-ka Maarso ugu danbeyn Qorshah xukuumadda oo faahfaahsan horkeeno Baarlamaanka.
eRa’iisal wasaaraha ayaa dhowaan Guddi ka tirsan wasiirada uu magacaabay u saaray inay dib u eegis ku sameeyaan qorshe uu hore u diyaariyay isaga, waxaana la sheegay inay soo gabagabeeyeen, laakiin lagu mashquulay qoraalka Guddoomiye Jawaari iyo 105 xildhibaan ku dalbadeen in isbedel lagu sameeyo Wasiirada magacaaban.QORAALKA AKKRISO
Goobjooge.com