Monday, June 23, 2025

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo London ka sheegay War ku soo noqday Madaxweyne Farmajo [Akhriso]

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed oo magaalada London uga qeyb galay kulan lagu taageeray dowladda Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay halkaasi ka sheegay war dib ugu soo laabanaya Madaxweyne Farmaajo oo su’aalo badan dhaaliyey.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka kulankii magaalada London ka sheegay in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen labadii sano ee ay xika hayeen 27 hindise sharciyeed, laakiin madaxweynaha Soomaaliya uu ansixiyey labada sharci oo kaliya.

Madaxweynaha ayaa saxiixay labada sharci ee kala ah: Sharciga Isgaarsiinta iyo Sharciga Naafada, waxaana arrintan ay keentay su’aalo badan oo ku saabsan sababta uu madaxweynaha u saxiixi waayey sharciyadii iyo qaraarradii uu soo saaray Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wax badan lagu dhaliiyey inuu si hoose u diiday inuu saxiixo qaraarkii taariikhiga ahaa Baarlamaanka Soomaaliya sharci darro uga dhigay heshiiskii ay shirkadda Imaaraadka ee DP World kula wareegtay Dekadda Berbera.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaliilaa inaysan wax dib u eegis ah iyo dood ka yeelan xeerarka la hor keeno oo ay iska ansixiyaan, waxaana dood weyn ka dhalatay Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Sharciga Jinsiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON