Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusmareeb ayaa halkaasi ugu yeeray Ganacstada waaweyn ee kasoo jeeda beelaha Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in ganacstada oo maanta tegaya magaalada Dhuusamareeb uu Ra’iisal wasaaraha kala hadli doono inay dhaqaalahooda ku maalgeliyaan degaanada Galmudug oo si weyn ug danbeeya degaanada kale ee dalka, kana qeyb qaataan mashaariicda laga hirgelinayo maamulkaasi.
Ganacsatada beelaha Galmudug oo ka kooban 11 beelood ayaa Ra’iisal wasaaraha kula shiri doono magaalada Dhuusamareeb, xilli uu Ra’iisal wasaaraha wado qorshe lagu qarameyneyo ciidamada Ahlu suna iyo qabanqaabada doorashada Galmudug.