Waxaa la filayaa inuu Ra’isal wasaare cusub dib u magacaabo tiro badan oo ka mida Golihii Wasiirada xukuumadii Xasan Cali Kheyre
Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay kulamadiisii ugu horeeyay ee magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee lagu wado inuu soo dhiso.
Kulankii ugu horeeyay ayuu xalay la yeeshay Guddoonka Golaha Shacabka oo kala ah Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey, waxaana la sheegay inuu kulankaasi ahaa mahadcelin iyo talo ku saabsan qaabka dhismaha Golaha Wasiirada.
Qoraal kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha ayuu ku yiri: “Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya Jamhuuriyadda Soomaaliya..”, mana jirin wax faahfaahin oo laga bixiyey kulankaasi.
Wararka ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in tiro badan oo ka mida Golaha wasiirada ee hadda xilalka sii haya ay dib u soo laaban doonaan, kana mid noqon doonaan Golaha Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu doonayo inay xilalkooda sii heystaan ilaa 10 wasiir oo muhiim ah, kana mida Golihii Wasiirada ee xukuumadii Xasan Cali Kheyre.
