Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga soo xigtay go’aan ku saabsan xilliga xukuumadiisa iyo sida uu u arko muddo kordhin laga cabsi qabay inuu dalbado.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa caddeeyay inuusan dooneynin muddo kororsi, kuna shaqeyn doono inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, taasoo ahayd cabsida ugu weyn ee laga qabay Qorshaha xukuumadiisa, markii uu shalay shaaciyey inuu wax ka qaban doono 8 Qodob oo waaweyn. (Halkan ka akhriso)
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta la kulmay Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa sheegay inuu Ra’iisal Wasaaraha geliyey kalsooni ah inuusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd.
Heshiiska Doorashada ee ay gaareen Madaxweynaha iyo maamul Goboleedyada ayaan weli geynin Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inay Sabtida u codeeyana labada aqal ee Baarlamaanka, kaasoo uu ku shaqeyn doono Ra’iisal wasaaraha.
