Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo shaaciyey 3 Arrin oo Xukuumadiisa qaban doonto Sanadkan 2023

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta Muqdisho ku laabtay kadib Cumro uu waqtigeeda dhereeysay Dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay howlaha xukuumadiisu qaban doonto inta ka dhiman sanadkan 2023.

“Innaga oo ka ambaqaadayna yoolka Xukuumadda DanQaran, Sannadkani waxaan xaqiijin doonnaa guulo waaweyn oo ay kamid yihiin xoreynta iyo ciribtirka Khawaarijta, dhameystirka barnaamijka deyn cafinta oo heer gabo-gabo ah maraaya iyo qabyo-tirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee dalka.” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamza oo qoraal soo saaray.

Wuxuu ku ammaanay Dadka Soomaaliyeed dhiirigelinta, garab istaagga iyo taakuleynta halyeeyada ciidammada qalabka sida oo hormuud u noqday howllaha dib-u-xoreynta dalkeenna iyo ciribtirka Khawaarijta.

Cumrada oo waqti kooban qaadata ayaa Ra’iisal wasaare Xamsa uu ku qaatay Sacuudiga muddo laba toddobaad ah, iyadoo la sheegay inuu arrimo gaara u joogay Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON