Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda SoomaaliyaXasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay Guddiga qabanqaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da July.
Guddiga oo heer wasiir ah waxaa wehliya agaasime ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo howshoodu noqon doono abaabulka xafladdaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda, waxaana guddoomiye looga dhigay wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabi Xayir (Maareeye).
AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA
1 | Maxamed Cabdi Xayir Maareeye | Wasiirka Warfaafinta | Guddoomiye |
2 | C/raxman Ducaale Beyle | Wasiirka Maaliyadda | Xubin |
3 | Xasan Cali Maxamed | Wasiirka Gaashaandhigga | Xubin |
4 | Maxamed Abuukar Islow | Wasiirka Amniga Gudaha | Xubin |
5 | Khadiija Maxamed Diiriye | Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha | Xubin |
6 | Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf | Sadiiq Xirsi Warfaa | Xubin |
7 | C/raxmaan Cumar Cusmaan | Guddoomiyaha Gobalka Banaadir | Xubin |
8 | Bashiir Axmed Cusmaan | Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka | Xubin |