Friday, April 19, 2024

Yuusuf Dabageed oo Go’aan Cusub kasoo saaray xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa go’aan cusub ka qaatay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waarre.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in magacaabiddiisa ay ku timid heshiis dowladda Federaalka iyo madaxda dowladda Somalia ay galeen, sida uu ku baxayo ee xilka looga qaadi karana ay tahay in dowladda Federaalak ay soo farageliso arrintiisa, isla markaana uu qaadan doono wixii dowladda Somalia ay ku taliso.

“Waxaan ku imid heshiis dowlada federalka iyo madaxda Hirshabelle wada galeen, haddana waa inay arintan dowladu aay soo faragaliso, waxaana qaadan doonaa wixii dowladu Somalia ku taliso” ayuu yiri Yuusuf Dabgeed oo ka hadlayey goor dhoweyd magaalada Beledweyne.

Ad

Yuusuf Dabageed ayaa ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu la xiriiray talisyada ciidamada, isgoo ku amraya inay soo xiraan, wuxuuse sheegay inaan la xiri karin oo go’aankanka uu qaatay uu yahay mid ay u soo dhiigeen waxgaradka Hiraan sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON