Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaarihii hore Cali Geedi oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo & Ujeedada socdaalkiisa [Sawirro]

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyaan madaxda ka tirsan Jubbaland.

Socdaalka Cali Maxamed Geeddi ee magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayaan inuu  la xiriiro waanwaan uu ka dhex wado madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda Federaalka, iyadoo Cali Geeddi uu ak mid yahay siyaasiyiinta gacan-saarka la leh madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayey inuu tago magaalada Kismaayo, wuxuuna safarka Cali Geedi u muuqdaa mid looga hordhacayo safarka Xasan Sheekh.

Image may contain: indoor

Image may contain: 1 person, sitting, living room, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON