Ra’iisal wasare Kheyre oo gaaray magaalada Dh/mareeb & soo dhoweynta Xaaf oo ka socota Cadaado..

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isagoo ka dhoofay caasimadda Muqdisho.

Socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ahaa mid la sugayey, waxaana garoonka magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha, madaxa xukuumadda Galmudug, xildhibaanada labada gole ee ku sugnaa Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiinta Galmudug.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxa Xukuumadda Galmudug iyo hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud, iyagoo ka wadahadli doona xaalada Galmudug iyo doorashada ay qabanqaabineyso xukuumadda Somalia inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo ka tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sii jeeda magaalada Cadaado, waxaana magaalada kasocda diyaargarow lagu soo dhoweynayo, iyadoo ay maanta halkaasi gaareen xildhibaannada degaanadaasi ka soo jeeda oo ay ka mid yihiin Abshir Bukhari, C/raxmaan Odowaa iyo xubno kale.

Xildhibaannada maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa la sheegay inay u socdaalayaan Godinlabe si ay ula kulmaan Madaxweyne Xaaf oo ay ka wadahadlayaan xaaladda Galmudug iyo tegistiisa magaalada Cadaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,029FansLike
1,064FollowersFollow
3,196FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!