Raiisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.
Waxaa wafdiga Raiisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, xubno ka tirsan labada gole, mas’uuliyiin iyo dadweyne.
Xasan Cali Khayre igu wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta maamulka ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu Caawa halkaasi ku hoyan doono. Magaalada Dhuusamareeb waxaa horay u joogay Wafdi ka socda dowladda Federalka Somaliya uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya.
DAAWO SAWIRRO







