Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal Wasare Kheyre oo shaaciyay sababta uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday xaflada Aqalka Sare.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta madaxweyne Farmaajo uga baaqday xaflada furitaanka Aqalka Sare.

Isagoo khudbad ka jeedinayey xafladda furitaanka kalfadhiga shanaad ee Aqalka Sare ayuu sheegay inuu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo isaga usoo wakiishay furitaanka Aqalka Sare.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in madaxweynaha uu xaflada uga maqnaaday shaqo amni oo degdeg ah darteed, isaguna uu u soo wakiishay inuu ku metelo furitaanka Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa su’aalo badan la iska weydiiyey sida uu u wakiishay Ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana la ogyahay in labada aqal ee Baarlamaanka uu khilaaf ka dhaxeeyo, waana markii labaad ee furitaanka kalfadhiyada Aqalka Sare uu ka baaqsado madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON