Sunday, June 22, 2025

Ra’iisal wasare Rooble iyo C/raxman C/shakuur oo shaaciyay wixii kasoo baxay kulankii dhex maray ee…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaara la yeeshay Musharaxa xilka Madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Kulanka ayaa loog hadlay arrimaha Doorashada iyo sidii xal loogu heli lagaa tabashooyinka Doorashada. “Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.Ra’iisul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed”

Ad

Kulankan ayaa ka danbeeyay wadahadal dhex maray Madaxeyne Farmaajo, agaasimaha NISA, Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo ku ogolaaday tanaasul inta badan arrimaha hortaagnaa Doorashada.

Image may contain: 3 people, people sitting, living room, table and indoor
Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor
Image may contain: 1 person, suit and indoor
Image may contain: 1 person, closeup
Image may contain: 1 person, suit
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON