Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u socdaalay dalka Fanasiiska, iyadoo la sheegay inuu sidoo kale gaari doono dalka Belgium.
Ujeedka socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa ah ka qeyb galka shirka sanadeedka Shirka Madasha Nabadda ee Paris oo oo muddo saddex maalmood ah socon doona inta u dhaxeysa 11-13 Novembar 2019. Shirka ayaa ah Madal caalami ah oo looga hadlo xal u raadinta dhibaatooyinka dunida ka jira.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la filayaa inuu madaxda dalalka Yurub kula kulmo dalka Belgium, iyadoo arrimaha ugu waaweyn ee kulamadaasi looga hadlayo ay ka mid yihiin taageerada Qorshaha Horumarinta Soomaaliya iyo Qorsaha deyn cafinta deynta Soomaaliya.
Shinaca kale socdaal uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegi lahaa magaalada Beledweyne ayaa la joojiyey, kadib markii uu maanta suuragal noqon waayey

