Monday, July 7, 2025

Sheekh Shariif oo Digniintii ugu cusleyd u diray Madaxweyne Farmajo. “Wallaahi haddii aysan joojin dulmiga waa bixineynaa…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiydda Qaran ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna digniintii ugu cusleyd u riday madaxda dowladda Federaalka.

Sheekh Shariif ayaa in dowlada Federaalka ay dulmi weyn ku heyso dadka, ayna mar waliba wixii lagu sameeyay wafdigooda kula kacaan muwaadiniinta, wuxuuna ku dhaartay saddex jeer inaysan u dulqaadan doonin oo haddii aysan joojin dulmiga ay dalka ka saari doonaan.

“Magaaladan MOORYAAN ayaa haysatay, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. ITOOBIYAAN ayaa soo galay, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. ALSHABAAB ayaa qabsaday, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. Intaas miyey ka xoog badan yihiin..? WALLAHI, THUMA WALLAHI. WALLAHI, THUMA WALLAAHI. WALLAAHI, THUMA WALLAHI… IYAGANA HADII AYSAN JOOJIN WAAN BIXINAYNAA!..| ayuu yiri Sheekh Shariif.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON