Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo telefoon u diray Madaxweyne ku xigeena dalka Turkiga, ugana tacsiyadeeyay..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somaalya Xasan Cali Khayre ayaa telefoon u diray Madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga, isagoo uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

Wararkii ugu danbeeyay ee dhulgariirka ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga ayaa sheegaya in dadka ku dhintay ay tiradoodu gaartay 22 qof, iyadoo ay weli socdaan howlaha gargaarka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON