Thursday, June 26, 2025

Rasaas ku dhacday Qaboojiyihii Xarunta Villa Hargeysa iyo kulamadii Golaha Shacabka…

Kulamadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in laga wareejiyo Xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in rasaas ay ku dhacday Qaboojiyihii Xarunta Villa Hargeysa, taasoo waxyeelo u geysatay shaqadii Qaboojiyaha.

Askari Ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu Xabad ku riday Haanta Qaboojiyaasha Xarunta Baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn inuu si ula kac ah u sameeyay iyo inkale.

Xildhibaan C/risaaq ayaa shalay ka hor sheegay xildhibaannada in haddii la hagaajin waayo Qaboojiyaha Xarunta Villa Hargeysa kulamada Xildhibaannada Baarlamaanka ay go’aan ka qaadan doonaan in laga wareejiyo goobtaasi.

Xildhibaanno badan ayaa hor u dalbaday in Madaxtooyada Soomaaliya laga wareejiyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, lana geeyo Teendhada Afisyoone, kadib Hoobiye ku dhacay xaruntaasi maalintii koowaad ee kulankooda, markii la dhaariyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON