Friday, July 4, 2025

Rasaas & Qaraxyo Saaka laga maqlayo magaalada Muqdisho & Howlgal 11-Saac qaatay oo weli socda…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qaraxyo Bam gacmeedyo iyo rasaas xoog leh laga maqlay dhisme ku dhow Hotelka Maka Almukarama oo ay galeen dabley ka tirsan kooxda Alshabaab.

11 Saacadood kadib markii qaraxa dhacay waxaa saaka aroortii weli iska hor imaad dhex marayaa ciidamada amniga iyo dableyda ku jirta dhismaha u dhow hotelka Maka Almukarama, waxayna wararku sheegayaan in dableygii ugu danbeeyay ee Alshabaab ay la tacaalayaan ciidamada amniga.

Qasaaraha qaraxii weynaa ee xalay ayaa gaaraya 15 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 50 kale, iyadoo laga cabsi qabo inuu qasaaraha sii kordho marka burburka dhismooyinka ay gaaraan saaka ciidamada iyo gurmadka degdega ah.

Xaaladda waxaa sii cakiray iyadoo dableyda ay galeen dhisme ciriiri ah, iyadoo dab uu qabsaday dhismaha Baarka iyo Hotelka Hilaac UK oo qaraxu aad ugu dhowaa, waxaana la damiyey korontadii.

Ciidamada amniga ayaa sheegaya inay soo afjarayaan howlgalka qaatay 10-ka saacadood oo Alshabaab ay soo ababuleen, kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dowladda Somaliya iyo warbaahinteeda ayaan soo hadal qaadin qaraxa Muqdisho oo ka mida kuwii ugu xumaa muddooyinkan danbe. Wararka ayaa sheegaya in la qabtay qaar ka mida dableyda Alshabaab iyadoo hay’adaha amniga dowladda ay diyaarinayaan sidii ay war uga soo saari lahaayeen qaraxa iyo dhammaanshaha howlgalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON